Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaare Abiye oo maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha Kenya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa halkaas maanta wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatt.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Dhanka kale agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah uusan ka furneen, isagoo intaa ku daray in waxii goโ€™aan ah oo kiiskaas ku aadan laga war sugeya maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale