Dowladda Maraykanka oo cambaaraysay qaraxyadii ay Argagixisadu ka geysteen Muqdisho

Date:

USA-(SNTV)-Dowladda Maraykanka ayaa cambaarayn xooggan Dusha uga tuurtay Kooxihii ka dambeeyay weerarradi Argagaxiso ee 28-kii Febraayo ka dhacay xarumo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Washington DC, ayaa sidoo kale ammaan usoo jeedisay tallaabooyinka geesinimada leh ee ay Ciidamada amniga Soomaaliya nafdooda ugu hureen ka hortagga kooxda weerarka soo qaadday iyo sida ay u dadejiyeen taakuleynta Dadkii dhaawacmay ee ku xannibnaa halka ay wax ka dhaceen,taaso sahashay badbaadinta Naf badan.

Dowladda Maraykanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaska iyo saaxiibbada dhibbanayaasha la dilay ama ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu geysteen.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador; Don Yamamoto, ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab mar kale muujisay in aysan u haynin nolasha Dadka Soomaaliyeed wax tixgilin ah.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Kooxda Argagixisadu leedahay Hal hadaf oo ah in laga hortago horumarka, nabadda iyo barwaaqada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

“Dowlada Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dedaalka xooggan ee ay siineyso Dadka iyo  xukuumadda Soomaaliyeed, iyada oo Gacan ka geysaneysa ​​dedaallada wadajirka caalamiga ah,  taas oo lagu doonaayo dhisidda Dal xoog leh oo Dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Amb; Yamamoto.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen xarumo ganacsi iyo Guryo Dad Shacab ah oo yaalla Muqdisho Laba Cisho ka hor, waxaa isa soo taraya cambaaraynta kaga imaaneysay dhagar-qabayaasha Beesha Caalamka iyo Bulsho weynta Soomaaliyeed eek u dhaqan daafaha Dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...