Shirka Madasha Wadajir oo Maalinkii Labaad galay

Date:

Muqdisho (SNTV) Shirka Wadajirka ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad galay.

Shirka waxaaa diirada lagu saarayaa dhismaha Golayaasha deegaanka, Dhab u heshiisiinta iyo xal u helida dhibaatada barakacayaasha.

Waxaa ku soo biiray shirka wakiilo ka socda Hey’adaha caalamiga ah ee taageera sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, Xasilinta, dib u heshiisiinta iyo Dhismaha golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhaweeyay Hey’adaha caalamiga ah ee ka qeyb galaya shirka isaga oo bogaadiyay habsami u socodka shirka xogaha la xiriira horumarka iyo caqabadaha heer deegaan ee ka qeyb galayaasha la socda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka Madasha waxaa kale oo qeyb ka ah xubno ka socda Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka kuwaas oo warbixinno ka bixinaya marxalada barakacayaasha.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo xiro maalinka berrita ah lagana soo saaro qorshaha saddexda bil ee soo aadan ee xasilinta, dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo dhab u heshiinta heer Qaran ilaa heer gobol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa...

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda hawlgalka AUSSOM

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...