Eng.Yarisow iyo Danjiraha dalka Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum

Date:

Muqdisho (SNTV)-, 26, Feb, 2019—- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa.

Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Danjiraha dalka Suudaan ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo soo celiyo dhulkii xarunta u ahaa Safaaradda dalkiisa ee ay u qorshaysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrinkaas oo uu aqbalay Guddoomiyaha Gobolku.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo iskaashiga iyo xiriirka wada shaqeynayd ee ka dhaxeeyey Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum, iyadoona la is-dhaafsanayo khibradaha iyo qorsheyaasha la xiriira ilaalinta deegaanka, xaqiijinta bilicda iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Suudaan kaalinta ay ka qaadataan waxbarashada dhallinta Soomaaliyeed, maadama dalkaas uu hooy u yahay kumannaan arday oo waxkabarta Jaamacadaha dalkaas, sidoo kalena macalimiin Suudaan u dhalatay ay bareyaal ka yihiin qaar ka mid ah xarummaha waxbarashada Caasimadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...