Madaxweyne Farmaajo oo Shir-doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga

Date:

Sharm El-Sheikh (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...