Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Gobolka Banaadir oo la Daah furay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta daah furay shirka wadatashiga iyo diyaarinta Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee shanta sano ee soo socota.

Shirka ayaa lagu falan-qeeyey qabyo qoraalka Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee 2019-2024, waxana dhinacyadii ka soo qeyb galay ay dood adag ka yeesheen sidii mudnaanta loo siin lahaa baahiyaha ay muhiimka tahay in lagu saleeyo qorshahan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahani uu yahay mid lagu saleysanayo baahida bulshada Gobolka Banaadir ee mudnaanta leh shanta sano ee soo socota, iyadoo lagu bilaabayo wadatashiyada waaxaha maamulka, loona daadajin doono degmooyinka iyo qeybaha bulshada, si loo helo tallooyinkooda waxgalka ah.

“Ujeedkeennu waa in bulshada Gobolka Banaadir iyaga uu ka yimaado qorshahan, laguna saleeyo baahida ay leeyihiin, waxayna wadatashiyadu mari doonaan dhowr qeybood oo muhiim ah, si qorshahani uu u noqdo mid matali kara shacabka ku nool Caasimadda”.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in talada dib loogu celiyo shacabka, si shaqo walba oo la qabanayo u noqoto mid ku qotonta baahida degmooyinka Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...