Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay ka hortagga Daacish

Date:

Washington-DC-(SNTV)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka.

Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish.

Mudane; Kheyr, ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay sidii loo xakamayn lahaa Malleeshiyaadka Daacish ee kasoo firxanaya Waddamada ay kusoo jabeen sida Ciraaq iyo Suuriya oo ay markii hore kasoo billoowdeen.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen wakiillada 79 Dal oo ku bahoobay la dagaallanka Daacish, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Mike Pompeo iyo madax ka socotay Beesha Caalamka ayaa laysku raacay in si wada jir ah loo wadaago xogaha ku aaddan la dagaallanka Daacish iyo sidii loo tir-tiri lahaa dhaq-dhaqaaqyadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...