Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 5-aad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta

Date:

 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan.

Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...