Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Xoogga Dalka oo tababar Aqoon kororsi ah u furay Saraakiisha Qeybaha kala duwan ee XDS “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka GaashAandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe” ayaa tababar Aqoon korosi ah u furay Saraakiisha Qeybha kala duwan Ciidanka XDS iyo Taliska guud.

Dooda Aqoon isweydaarsigaan ayaa diiradda lagu saaray qaabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya amniga guud ee dalka ay ugula  wareegayaan Ciidamada AMISOM oo Mudo ka Badan 10 sano  ka Howlgalaya  Gudaha Dalka, waxaana la is dhaafsaday fikrado ku Aadan Arintaasi iyo qodobo kale.

Taliyeyaasha qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wasiirka Gaashandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Siiyay warbixino ku Aadan Xaaladda guud ee Ciidamada iyo sida uu u socdo Howlgalka ka dhanka Nabadiidka .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa sheegay in Sanadkaan uu yahay Sanadkii dalka laga xoreyn lahaa Kooxda arxanka darran ee Alshabaab, isaggoo xusay in Ciidanka Xoogga dalka ay u diyaar garoobeen xoreynta dalka iyo siddii AMISOM  ay u badali lahaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Fderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa kula dardaarmay Saraakiisha qeybaha Ciidanka Xoogga dalka inay ka faa’iideystaan muddada uu socdo Aqoon kororsiga.

Aqoon kororsigaan ayaa socon doona muddo Seddex maalin ah, waxaana la isku dhaafsan doonaa habka ugu wanaagsan Ciidamada AMISOM amniga guud ee dalka loogala wareegi lahaa iyo in la xoojiyo isku xirka hoggaanada guud ee ciidanka Xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...