Madaxwaynihii Bankiga Adduunka oo si kadis ah isku casilay

Date:

Madaxwaynaha Bankiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si kadis ah isku casilay, waxaana xilkaasi uu hayey muddo lix sanadood ah.

Jim oo u dhashay Kuuriyada Koofureed ayay ahayd inuu xilka hayo ilaa 2022-ka. balse waxa uu cadeeyey inuu si rasmi ah isku casilay, taas oo dhaqan gali doonta dhammaadka bishan.

Bankiga aduunka oo xaruntiisu tahay magaalada Washintong ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqaynayo sidii loo badali lahaa Jim Yong Kim oo si lama filaan ah isku casilay, isagoon caddayn sababta.

Sanadkii 2012-kii ayaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Brack Obama u magacaabay Gudoomiyaha Bankiga adduunka, mar kale ayaana xilkaasi dib loogu soo celiyey 2017-dii
Kristalina Georgieva oo ka tirsan saraakiisha sare ee Bankiga adduunka ayaa sii wadi doona shaqada hoggaaminta bankiga, inta laga qabanqaabinayo dhismaha hogaan cusub.

Caadi ahaan Maraykanka ayaa magacaaba madaxwaynaha Bankiga adduunka, halka midawga Yurubna ay leeyihiin magacaabista hoggaanka hay’adda lacagta aduunka ee IMF, taas oo u muuqata inaan wadamada kale laga talo galin hab maamulka hay’adahan oo ah kuwa ugu waawayn xagga dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska 

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashiga  Istiraatiijiga ah

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...