Madaxwaynihii Bankiga Adduunka oo si kadis ah isku casilay

Date:

Madaxwaynaha Bankiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si kadis ah isku casilay, waxaana xilkaasi uu hayey muddo lix sanadood ah.

Jim oo u dhashay Kuuriyada Koofureed ayay ahayd inuu xilka hayo ilaa 2022-ka. balse waxa uu cadeeyey inuu si rasmi ah isku casilay, taas oo dhaqan gali doonta dhammaadka bishan.

Bankiga aduunka oo xaruntiisu tahay magaalada Washintong ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqaynayo sidii loo badali lahaa Jim Yong Kim oo si lama filaan ah isku casilay, isagoon caddayn sababta.

Sanadkii 2012-kii ayaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Brack Obama u magacaabay Gudoomiyaha Bankiga adduunka, mar kale ayaana xilkaasi dib loogu soo celiyey 2017-dii
Kristalina Georgieva oo ka tirsan saraakiisha sare ee Bankiga adduunka ayaa sii wadi doona shaqada hoggaaminta bankiga, inta laga qabanqaabinayo dhismaha hogaan cusub.

Caadi ahaan Maraykanka ayaa magacaaba madaxwaynaha Bankiga adduunka, halka midawga Yurubna ay leeyihiin magacaabista hoggaanka hay’adda lacagta aduunka ee IMF, taas oo u muuqata inaan wadamada kale laga talo galin hab maamulka hay’adahan oo ah kuwa ugu waawayn xagga dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...