Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Date:

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo safiirku halkaa u tagay si uu wax badan uga ogaado.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin ka tirsanย  wasaaradda ayaa markii uu xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka waxaaย  uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankooda sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda Turkiguย  ย ay uga gacan sii lahaydย  sare uย  qaadista hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed ee ay u baahan tahay wasaaraddaย  cadaaladda.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladdu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegisย  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...