Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo kormeeray Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile iyo Warta nabada

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile Iyo Warta Nabada.

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa la kulmay Masuuliyiinta Labada degmo iyo Bulshada degmooyinkaas, wuxuuna wareystay Xaaladihii ugu dambeeyay iyo wadashaqeynta u dhaxeysa.

Sidoo kale Waxaa uu kormeeray Maxaabiista ku xiran labada Saldhig si loo ilaaliyo Xuquuqda Maxaabiista

Guddoomiyaha Maxkamdda Rafcaanka Gobollka Banaadir ayaa kormeer joogta ku sameeya Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir asagoo u kuur galaya howlaha shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...