Muqdisho December 22 (SNTV):-Ku dhawaad 81 oo isku jir Dhakhaatiir kalkaaliyaal Sheebriste oo mudado labo bilaad ah qaadey tababar kor loogu qaadayaya aqoontooda Kuna soo biirey Ciidamada Xoogga dalka gar ahaan qeybta Caafimaad ayaa loogu soo xirey Xerada Tabarada Janeraal Gordan ee Magaalada Muqdsiho.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Odwaa Yuusuf Raagge ayaa ka hadleyay Muhiimada ciidamada xoogga dalka uu lee yahay iney helaan adeegyo Caafimaad Madaam ay ku jireen Howgalo ka dhan ah Maleyshiyaadka Al-shabab
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo soo xirey Tababrkaas ayaa muujiyay in Taliska Xoogga uu xooga saari doono tayinta adeegyada Caafimaad ay helaan Ciidamada Dalka
Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Saciid Cabdulaahi oo ka qeyba galey munsaabadaas ayaa sheegay in tayeynta Caafimaadka uu qeyba weyna ka qaadanayo dhismaha ciidamada Xoogga dalka
Masuliyintii ka qeyba gashey Munsabada oo ugu horeyey Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga dalka waxa ay shahaadooyn ku gudoosiyeen Dhalanyaradii ka qaadey tababar ee ku soo biirey Ciidanka Xoogga dalka