Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  maanta heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga.

Heshiiskaan oo uu dhinaca Dawladda Turkiga u saxiixay Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxa uu albaabka u furayaa xiriir cusub oo labadda Maxkamaddood yeeshaan.

Labada Masuul ayaa Sidoo kale waxay kulan saacado qaatay ku wada yeesheen  Xarunta Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr oo quseeya labada dhinac.

Heshiis is-afgaradka ah ee ay wada saxiideen Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...