Sooyaalka madaxweynaha la doortay ee Koofur Galbeed Soomaaliya

Date:

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Wuxuu ku dhashay degmada Baydhabo sanadkii 1968kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose dhexe wuxuu kusoo qaatay degmooyinka Baydhabo iyo Luuq, dugsi sare iyo Jaamacadna Magaalada Muqdisho.

Waa aabe dhalay 3 caruur ah, lehna hal xaas, wuxuu kasoo mid noqday ardaydii Gurmadka Qaran, wuxuuna dabayaaqadii sideetamaadkii ka mid ahaa macalimiintii dugsiyada sare.

Intii u dhaxaysay 1991 illaa 2000 wuxuu qayb ka ahaa Isbed-bedeladii siyaasadeed ee deegaannada KGS, waxaana uu Dowladihii Kumeel gaarka ahaa iyo kuwii ka dambeeyayna kasoo qabtay xilal kae duwan.

1. 2007dii Wuxuu dowladii AU Cabdullaahi Yuusuf soo noqday Agaasime kuxigeenka Furdooyinka Muqdisho.

2. Wuxuu muddo 3 goor ah soo noqday Xilbaan Qaran

4. 2008 Xukuumadii RW Nuur Cadde Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

5. 2009 Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Wasiirka Dakadaha Iyo Gaadiidka Baddaha.

6. 2010 Mar kale Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Wasiirka Xanaannada Xoolaha.

7. 2011 Xukuumadii R/ Farmaajo W. Kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, xilkaas wuu iska casilay.

8. 2011 Xukuumadii R/ Farmaajo W. Dowlaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska

9. 2014 Xukuumadii RW Cabdiweli Shiikh Dowlaha kaluumaysiga iyo khayraadka badda.

10. 2017 Xukuumadda RW Xassan Cali Kahyre W. Dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

11. 2018 Xukuumadda RW Xassan Cali Khayre Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya oo uu iska casilay 05tii Nov 2018

Cabdicasiis Xassan Maxamed Wuxuuna maantay noqday Madaxwaynihii 2aad ee KGS 4ta sano ee soo socota. Wuxuuna ku guulaystay wareegii 1aad isoo helay 101 cod ka dib tartan ay la galeen 4 murashax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...