Saraakiil ka tirsan CXDS oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dib u dayactir lagu sameynayo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxa Hoggaanka howl-gelinta Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer Indho-indheen ah ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, Halkaasi oo Fariisin Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayaa dhawaan ka bixi doona  Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana Saraakiisha maanta kormeeray Xaruntaasi ay AMISOM kala hadleen siddii  loo dejin lahaa qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ah ay uga bixi lahaayeen Kuliyadda.

Saraakiisha ka socda Ciidanka Xoogga ee uu hoggaaminayey Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Maxamed Sheikh Madoobe oo idaacadda Codka Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in Wakiilka  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ay kala hadleen siddii Ciidamada AMISOM ay uga bixi lahaayeen Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, si dib u dayactir loogu sameeyo.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya , Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in Horraanta Sanadka soo socda ee 2019 ay ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amniga Xaruntaasi ay ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga dalka, si dib loogu soo celiyo howlahii muhiimka ahaa ee xaruntaasi ay qaban jirtay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in dib u dayactir lagu sameeyo Xarumaha danta guud ah ee ku burburay Colaadihii dalka ka dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...