Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Date:

Muqdisho (SNTV)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...