Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Kooxda Kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia

Date:

Muqdisho Arbaco, 05, December 2018 (SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

“Waxay halkan u yimaadeen inay arkaan dalkooda kuna soo bandhigaan xirfadahooda dhinaca kubadda cagta, waana tallaabo aan boggaadinayno , waxaana qeyb ka ah samafalayaal Caafimaad oo mudada ay joogaan magaalada Muqdisho ka fulin doona gargaar Caafimaad”.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartooyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...