Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoow ugu jira xuska maalinta la asaasay.

Date:

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku jira u diyaar garoowga sanad guuradii 75aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidamada ayaa tijaabadii ugu weyneed ee diyaar garowgooda ku soo bandhigay xarunta tababarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye Ex Iskuula Buluusiya.

Sareeyayaasha, Saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo Nuucyada kala duwan ee ciidanka Booliiska ayaan u kala harin diyaarowga.

Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Gas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ciidanka Salaan sharaf kaga qaatay barxada dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Gen Kaahiye.

Dhalinyaro loo diyaarinayo ka mid noqosha ciidanka Booliiska ayaa qeyb ka ahaa tijaabada Diyaargarowga.

Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidank ku dhiira galiyay diyaar garoowga Xuska maalinta booliiska Soomaaliyeed

Haweenka ku jira Booliiska ayaa siweyn uga dhex muuqda diyaar garoowga, iyaga oo muujinayay sida ay uga go’an tahay ka soo dhalaalida doorkooda ku aadan  xuska Maalinta Booliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...