Shir looga hadlayay cilmi-baaris ay sameyeen aqoonyahano Soomaali iyo Turkii isuugu jiray oo lagu qabtay Turkiga

Date:

Waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirta dhinaca dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac C/llaahi Maxamed,aqoonyahano Soomaaliyeed,ardayda iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo warmuriyadeed laga soo saaray.

“Shirka wuxuu ku saabsanaa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii looga tala bixin lahaa guud ahaan,shirkan runtii muhiimad gaar ah ayuu u lahaa Soomaalida sababtoo ah waxaa meesha ku dooday oo cilmi-baaris  soo jeediyay Professoro,aqoonyahano,Quburo Soomaali ah,iyo kuwo turki ah,waxyaabo badan baa laga hadlay sida xiriirka siyaasadda,xiriirka diblomaasiyadda,xiriirka dhaqaalaha,xiriirka horumarka,waxbarashada iyo Caafimaad,” ayuu yiri Danjire Jaamac C/llaahi Maxamed.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda East Afrika for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul,wafdigii ka qeyb galay shirka ayaa isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...