Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirrada Ku Amray Dhamaystirka Qorsha Hawleedka Sanadka 2018

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...