Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay

Date:

Muqdishp- (SNTV)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah qabatay munaasabad lagu daah-furayay Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka warbixiyay hawshii soo qabsoontay ee la xiriirtay carabiyaynta Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Dhanka kale, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Xamud Bin Samraan ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed la garabtaaganyihiin caawinaad joogta ah, gaar ahaana inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka.

“Waxa aan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ku ammaanayaa hawsha baaxadda leh ee ay dadka Soomaaliyeed u heyso, waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah ee JFS loo turjumo Afka Carabiga. Waxa aan idinku taageereynaa howsha adag ee dadka Soomaaliyeed aad u heysaan ee ah dhameeystirka Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Safiir Xamud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.

“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu damabayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee JFS oo ku qornaa Afka-Carabiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...