Boqolaal ku dhaawacantay mudaaharaad dalka Faransiiska ka dhacay

Date:

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho (SNTV):- Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo sare u kacay ayaa waxaa ka dhashay dhaawac lag uqiyaasay 400 oo ruux, sida ay sheegeen dad masuuliyiin ah, warka ayaa intaasi ku daraya in mudaaharaadku uu socdo maalintiisii labaad.

Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna lo oxirxiray mashaqadan darted.

Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkani oo billaabmay sabtidii lasoo dhaafay, mudaaharaadka ayaa sii socday illaa maalintii axadii.

Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” kuwa sita funaanado midebkoodu yahay jaale ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan.

Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa caradii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la samaynin, si uu uga hadlo mudaaharaadka, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurintii la sameeyay.

Macron, ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka.

 

 

When you’re finished with the plan of this letter, you’ll have legit essay writing service to use a unique ink.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...