Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay Amb. Olgan Bakar

Date:

Muqdisho (SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haddiyado guddoonsiiyay safiir Olgan Bakar ayaa uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

“Waxa aan maanta kulan sagootin ah u sameeyey danjire Olgan Bakar oo muddadiisii loo soo magacaabay Dalkeena ay soo idlaatay. Waxa uu uu kaalin muhiim ah ka qaatay adkeynta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Mahadsanid Olgan Bakar, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma illoobi doonaan garab istaaggii aad muujisay muddadii aad ka howl-galeysay Soomaaliya”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Turkiga u qaabishanaa Soomaaliya, Olgan Bakar, ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii ahaa safiirka, iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...