R/wasaare Khayre oo xalay Casho sharaf u sameeyey wafdigii Turkiga ka socda

Date:

Muqdisho November 8 (SNTV):-Mudane Xasan Cali Khayre raii’sul wasaaraha Jamhuuriyadda Sooomaaliya ayaa xalay kulan Casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey wafdigii ka socday Dalka Turkiga, ee uu hoggaaminayay wasiirka Difaaca Dalkaasi, Ulusi Akar oo shalay booqasho ku yimid Soomaaliya.

Ujeedka kulankaasi ayaa ahaa sidii loogu muujin lahaa Turkiga sida Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay ugu faraxsanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo Garab istaagga kala dhexeeya Turkiga.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya,iyadoo lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa wadaniyada iyo Dowrka Turkiga uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya,iyadoo kooxda Horseed ee CX Dalku Heesahahooda ku qaadayeen luuqadda Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiga, ayaa uga mahadceliya Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen,isagoo muujiyay in Dowladda Turkigu ay ka go’antahay sidii ay u sii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga, ayaa dowr muuqda ku leh arrimaha Soomaaliya,iyadoo Sanadkii 2011-kii Soomaaliya u fidisay gurmadkii ugu ballaarnaa, xiligaasi oo abaaro ay ku dhufteen inta badan Gobollada Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...