Howlgal lagu baacsanayo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

Date:

Waajid (SNTV) Howlgal lagu baacsanayao Mleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaano hoostaga, si meesha looga saarao Haraadiga Nabad-diidka Al-shabaab oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka Bakool.

Wariyaheena Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday, islamarkaana ciidanka Dowladda ay doonayaan in meesha laga saaro Argagixisada oo dhibaato u geysta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada gobolkaasi.

“Ciidanka waxey si gaar ah howlgalada ula bartilmaameedsanayaan meelaha fara kutiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaa Al-shabaab, sidaas oo kale shacabka ayaa is abaabulay oo la dagaalamaya Maleeshiyaadkaas”ayuu yiri Maxamed Xasan C/raxmaan wariyaheena gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgaladan waday dhawaanahaanba, waxaana looga gol leeyahay in gobolka Bakool laga nadiifiyo Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...