Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS oo cambaareeyay Qaraxyadii argagixisadu ka fuliyeen Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii Argagixisinimo ee Maleeshiyaadka nabad diidka ah ay la beegsadeen meelo dad shacab ah ay isugu yimaadaan oo ku yaala  Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Waxaan cambaareynaaa weeradadii aragaxisadu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo ,iyagoo halkaasi ku laayay dadka aan waxba galabsan,waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan Alle SWT uga baryayaa in Naxriistiisa ka waraabiyo,kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka ayaa sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka falkaasi wuxushnimo ku waxyeeloobay sidoo kalena ay maalinta beri ah halkaasi u diri doonaan diyaarad halkaasi ka soo daad gureysa dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay si loogu daweeyo Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Mursal Sheekha C/raxmaan ayaa  sheegay in kooxahan caadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto ,isagoo shacabka ugu baaqay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan ciribtirka Kooxdan hororka ah iyo sugida Amaanka.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Arrimaha horumarinta Bulshada,Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” ayaa cambaareeyay Qaraxyadii wuxuushnimada ahaa ay galabta kooxaha argagixisada ka fuliyeen magaalada Baydhabo,kuwaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada ka soo gaartay falkaasi argagixiso.

Gelinkii dambe ee maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagixiso,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad shacab ah oo aan waxba galab ay soo gaareen.

Weerarada Qaraxyada ah ayaa argagixisadu waxay ka fuliyeen bartamaha magaalada Baydhabo gaar ahaan laba meheradood oo ku yaal bartamaha magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in ka badan 10-Qof ay ku dhinteen Qaraxyada halka 20-qof oo kale ay ku dhaawacantay.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa caadeystay iney si micdaro ah ku daadiyaan dhiig shacabka Soomaaliyeed,iyadoo aysan jirin cid ay u aabo yeelayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...