kulan looga hadlaayey barashada Farsamooyinka gacanta oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulan looga hadlaayey dardargelinta barashada farsamooyinka gacanta, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurida dhalinyarada soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada , hidaha iyo tacliinta sare iyo Hey’adda Niis waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowlada Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

kulanka ayaa la isku weedaarsaday fikrado kala duwan iyadoo si weyn diiradda loo saaray sida ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo barashada farsamooyinka gacanta.

Wakiilka Hey’adda Niis ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Du’ale oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kulankooda diirada ku saarayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamed Cadde Muqtaar ayaa sheegay iney ka shaqeyn doonaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax baratay.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo shirka soo xiray ayaa sheegay ineey wasaaradda ka go,antahay horumarinta farsamada gacanta oo ay dadkeenu caan ku yihiin.

kulankan oo ay kasoo baxeen qodobo muhiima ayaa hordhac u ah shirweyne weyn oo looga hadli doono siyaasadda guud ee barnaamijka barashada farsamada gacanta oo la qaban doono dhamaadka sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...