Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo bilowday hirgalinta mashruuc Cusub

Date:

Muqdisho (SNTV) Mashruucaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiira geliyo haweenka ka ganacsada Dhuxusha si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha oo keeni karta nabaad guur saameyn ku yelata deegaanka, waxaana badalkii dhuxusha wasaaradda Xanaanad Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo wada arintan  ay guddoonsiisay haweenkan Gaas, iyadoo mashruucan lagu bilaabay haweenka ka ganacsada dhuxusha ee degmada Hodan.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda wasaaradda, waiilo ka socday UNDP iyo Midowga Yurub, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun oo degmadiisa lagu bilaabay mashruucan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Cabdi oo ugu horeyn halkaasi kahadlay ayaa sheegay in mashruucaan lagu bilaabay haweenka degmada Hodan.

“Mashruucaan oo ah mid waxtar leh waxaan ku bilownay haweenka ka gacasada Dhuxusha ee kunool degmada Hodan, waxaana rejeyneynaa iney ka faaiideystaan”ayuu yiri.

Madax ka socotay UNDP iyo Midowga Yurub oo iyagana halkaasi kahadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay kala shaqeynayaan sidii looga maarmi lahaa ka ganacsiga dhuxusha.

Raxma Maxamed Jimcaale oo kamid ah haweenka ka faaiideysanaya Barnaamijkan ayaa tilmaamtay in talaabadan ay ku dhiira gelineyso iney ka maarmaan ka ganacsiga Dhuxusha.

“Anaga hadiiba aan helnay dhiira gelintaan wan ku faraxsanahaya waana joojineynaa ka ganacsiga dhuxusha”ayey tiri Raxma Maxamed Jimcaale.

Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ku bogaadiyey haweenka in ganacsiga dhuxusha oo halis ku ah deegaanka ay tahay waqtigii ay joojin lahaayeen.

“Waad ogtihiin deegaanka ayey halis ku tahay in laga ganacsado Dhuxusha, maadaama hadda Gaas la idin guddoonsiiyey waa inaad la jaanqaadaan dunida sida hadda ay tahay oo aad ka gudubtaan ganacsiga dhuxusha”ayuu yiri.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DHirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo agabkii ay ku ganacsan lahaayeen guddoonsiiyey haweenka degmada Hodan ayaa sheegay in si walba oo ay ku joojin karaan jarista iyo ka ganacsiga dhirta ay sameynayaan.

“Wasaaraddu wax waliba oo arintaan ay ku joojin karto wey sameeneysaa, cid waliba oo nagu taageertay mashruucaana aad ayaan ugu mahad celineynaa”ayuu yiri wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...