Ra’iisul Wasaare Khayre: dalka oo dhan waa in Is-xilqaan Lagu Dhisaa

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka is-xilqaan si dib loogu dhiso dalka oo dhan, danaha qarankana si wadajir ah looga shaqeeyo.

“Waa in is-xilqaan lagu dhisaa dalka oo dhan, shacabka oo dhanna ay ka qayb qaataan, waa in ay ka qayb qaataan madaxda qaranku oo ay isxilqaan dalka ku dhisaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha XFS.

“Waxaa Muuqda horumar wayn oo ay ku tillaabsadeen shacabka Soomaaliyeed maadaama ay billaabeen in dalkooda ay dib u dhisaan iyaga oo isticmaalaya hal-ku-dhigga “Is-xilqaan”, ayuu sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkii golaha wasiirrada ee lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu ansixyay barnaaminka is-xilqaan oo lagu dhisayo guud ahaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...