Muqdisho(SNTV);โ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah u furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabkaย Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabkaย Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,,Xildhibaanada Baarlamaanka,xubno ka socda Beesha caalamka iyo Masโuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabkaย Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa horay u iclaamiyay in 10-ka bishan September ee sanadkaan uu furmayo kalafadhiga afaraad ee Baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada horyaala howlo muhiim ย u ah dalka.

