Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda

Date:

Muqdisho(SONNA);- Si loogu mahadceliyo laguna dhiiri galiyo ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Shahaandooyin abaal marin ah ku guddoonsiyayย  doorka ay ka qaateen suurta galnimadii soo wareejintii xafiiska Maamulka Hawada ee Soomaaliya,ย  waxaayna kala ahaayeenย  Agaasime ku-xigeenkaย  Hay,adda Socdaalka iyo jinsiyadaย  Ibraahin Xuseen xersi ,Maareeyaha Guud ee Garoonkaย  Generaal Cabdi Ashkar Jamac,kuxigeenka hay,adda socdaalka iyo jinsiyada Axmed Xuseen raage ,cumar Macalin Nuur, Madaxa Garoonka Aadan Cade, iyo Maamulka furdada Garoonka ee Wasaaradda Maaliyadaย  Cabdiwal Maxamedย  Cali.

Waxaa kalo qeyb ka ahaa qaar ka mid shaqaalihii tababarka loo soo xeray, islamarkaan sheegay in ay diyaar u yihiin in ay waxay barteen ugu shaqeeyaan bulshadooda

โ€˜โ€™Sucaadoย  diiriye Xasan oo ka mid aheyd shaqaalihi tababarka loo soo xeray ayaa sheegatay in waxyaabo badan ay ka barteen islamarkaan ay ugu shaqeyn doonaan bulshadooda โ€™โ€™

Kusimaha Maareyaaha Hay,ada Duulista Hawada Axmedย  Macalin Xasan waxa uu sheegay in wasaaradu ay ka shaqeyneyso sidii shaqaalaha ay tababar dhameystiran u heli lahaayeen

โ€™โ€™Waxaan wadnaa in aan tababaro dheeraad ah siino shaaqalaha si xirfada ay ku shaqeynayaan ay u noqoto mid ku filan Garoonka sidoo kale uu ula jaan qaado Garoomada caalamka โ€™โ€™

Guddiga gaadiidkaย  ee Golaha shacabka oo ay shaqadiisa tahay la socodka hamsami u socodka arrimha socdaalka iyo shaqada garoonka ayaa ku dhiiri galiyay howsha ay qabteen Wasaaradda iyo Hay,ada Duulista Hawada

โ€™โ€™Waxaan bogaadineynaa shaqada ay ka qabteen Wasaaradda iyo hayโ€™adda Duulista Hawada hadii aa nahay gudiga gadiid ee hayโ€™adda duulista ee Golaha shacabka,โ€ ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaanย  Axmed Suge โ€™โ€™

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa uga mahadceliyay Masโ€uuliyiinta si ay uga qeyb qaateen in horumarkaan,wuxuun dhanka kale sheegay in wali howlo badan uyaalaan Wasaaradda

โ€™โ€™Waxa ay naga mudan yihiin inaan u mahadcelino doorkii ay ka qaateen soo celintii xafiiska maamulka Hawada ee Soomaaliya waxaa kaloo noo yaala Howlo badan si aan u hormarino adeegayada garoonka โ€™โ€™

Tan iyo markii xafiidka Maamulka Hawada loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho waxaa la bilaabay tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo shaqaalaha xafiiska maamulka hawada si ay ula jaan qadaan kuwa caalamka waxaana soo dhamaaday wajigii labaad ee ee tababrka amniga garoonka iyado dhawan ay bilaaban doonan kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...