Kullan looga hadlayay soo bandhigida Xogta Dowladda iyo sidii la isugu xiri lahaa oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV);- Kulan Wasaaraddeedkaan sare oo ah barnaamij isku xira heyโ€™adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradaha oo qeyb ka ah daah-furnaanta dowladda waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Kulan wasaaraddeedkaan waxaa ka soo qeyb-galay agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Xukuumadda iyo saraakiil kale oo iyaguna ka tirsan heyโ€™adaha kale ee dowladda.

Waxaa la is weydaarsaday xogta dowladda iyo in ay muhiim tahay sidii la isugu xiri lahaa xarunta Daah-furtaan iyo heyโ€™adaha ay quseyso, si loo keydiyo macluumaadka iyo xogta dowladda kaddib la isu dhaafsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey ahmiyadda uu dowladda iyo bulshada u leeyahay barnaamijkaan.

โ€ Ujeedadu waxay tahay sidii Hayโ€™adaha Dowladda dhexdooda la isugu xiri lahaa xagga Xogta iyo Akhbaaraadka ka dibna Hayโ€™adaha Dowladda iyo dadweynaha sidii la isugu xiri lahaa oo leysku gaarsiin lahaa,waad ogtihiin maanta akhbaarta ama xogtu waxay tahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha noolaha ee bini-aadamka maanta jira, si ay Bulshada ula socdaan xogta Dowladdooda, ayaa fikradaan loo abuuray ma ahan wax wadankeena keliya ku eg, waa barnaamij caalami ah oo aduunka oo dhan ka jira,โ€ ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...