Sacuudiga oo ku biiray waddamada xalka u raadinaya Eritrea iyo Jabuuti.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso dhex dhexaadin ay waddo Dowladda Boqortooyada Sucuudiga kana dhex waddo dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in dowladda Sucuudiga dhex dhexaadineyso labada dal.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Waxaa kale oo uu Maxamuud Cali Yuusuf  bogaadiyay doorka dowladda Itoobiya ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay Dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Maxamuud Cali Yuusuf kaddibna waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha labada dal ayaa hadda laga  gaaray is afgarad bilow u ah  heshiisiintooda, waxaana garwadeen ka ah dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...