Taliyaha Ciidanka Booliska oo Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka yimid Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Booliska, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada dawlad goboleedka Puntland.

Saraakiishaan ayaa la baray Sharciga xaquuqul iinsaanka, Baarista kufsiga iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey Macalimiinta Booliska oo kaashanayo Hayโ€™adda Bancroft global development iyo Hayโ€™adda international narcotics and law.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha maanta tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray.

S/gaas Bashiir ayaa xusay in Taliska ciidanka Booliska ay ka goโ€™an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, waxaana uu tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka la siinayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...