Muqdisho(SNTV)βShacbiga ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay la xisaabtanka Heyβadaha Dowladda, kadib markii uu Raiisul-wasaaraha Dalka uu dhawaan soo gabagabeeyay la xisaabtan uu la sameeynayay Heyβadaha Dowladda.
Qaar Ka mid ah shacabka Caasimadda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweeynayaan la xisaabtanka masuuliyiinta Heyβadaha Dalka, iyagoo raβyigooda cabiraya ayaa yiri β waxaan soo dhaweyneynaa la xisaabtanka Heyβadaha Xukuumadda, sababtoo ah isla xisaabtanku waxa uu keenayaa horumar, wuxuuna ka hortagayaa dib u dhac,isagoo meesha ka saarayaa musuqaβ
Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu weyn ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya ee looga shakisan yahay xatooyada xoolaha dad-weynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq geysteen.
Raβiisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan sameeyay la xisaabtanka Wasiirrada Wasaaradaha Dowladda ee sannadlaha ah, si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan, waxaana Wasiir waliba oo ka mid ah la soo hor-dhigay qorshayaashii lagu balamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Raβiisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkiisa.
