Fanaaniinta kooxaha Ciidanka Qalabka sida oo la mideynayo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Munasabad lagu dhiiraglinaya Ciidamada Asluubta iyo booliska islamarkaan  lagu walaleenayay Fanaaninta onkood  heegan iyo fanaanita kooxaha kale ee ciidmada ayaa lagu qabtay xaruunta gadiiidka ciidanka booliska ee magalada Muqdisho, waxaa ka qeyab galay xaflada Taliyaha Ciidanka Asluubtaa Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” sarakiil ka kala socotay  booliska  iyo asluubta,

Intii ay socotay munasabadda waxaa halkaasi  heeso iskugu jira gubaabo iyo dhiragalin ku soo Bandhigay Fanaaninta onkod iyo heegan.

 Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed jamac keynan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in hada wixii ka dambeya ay si wada jira uwada shaqeyn doonnaan fanaaiinta iyo bambeyda ciidamada Qalabka sida

“Waxaan mideyn doonnaa fannaaniinta sadexda ciidan, si marka xafladaha ay jiraan ay ugusoo bandhigaan suugaanta gubaabada ahtaasi ayaan dhawaan ka shaqeyn doonaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaasha Ciidamda Asluubta iyo Booliska  ayaa dhawaan kormeer iyo u kuurgalid sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo. Ku tagay  kontaroolada laga soo galo magaalada iyagoo Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...