Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidamada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Qaar kamid ah salaadiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ayaa wada dadaallo qurba joogta Soomaaliyeed loogu wacyigelinayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkoodi Hooyo,iyadoo la fulinayo baaqyada madaxda dowladda Soomaaliya ee ah in qurba joogtu ay muujiyaan dowrkoodi horumarineed ee Dalka.

Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Qurbaha kunool ayaa sheegay in qaar kamid ah magaalooyinka wadamada Yurub oo ay Soomaalidu kunool yihiin ay kulamo kala duwan kula qaateen Soomaalida, isagOoo ujeedka ku tilmaamay mid looga wacyigelinayo kaalintoodi ku aadan dib u dhiska dalka iyo taakulaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool qaarada Yurub sida wadanka Swedan oo ay kunool yihiin Soomaalida ugu badan,sidoo kale Ingiriiska Norway iyo meelo kale,waxay ay naga balanqaadeen in dalkoodi ay ku soo laabanayaan oo ay dhismihiisa ka qeyb qaadanayaan,sidoo kale waxaan ku boorinay in ciidamada Qaranka la taageero dhaqaale ay iska soo ururiyaan,runtii aad ayaay u soo dhaweeyeen dhamaantooda,hadad waxaan joognaa Dalka Austria”.Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu Suldaanka uu intaasi ku daray in ay si gaar ah ula hadleen aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan ka haaya wadamada Yurub, isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen qorshahaasi wacyigelinta ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkoodi hooyo,  walow ay kal hore hirgeliyeen  barnaamijyo ganacsi oo shaqo abuur ah, taasi oo kutimid markii hay’adaha amaaanka dowladda Soomaaliya ay xoojiyeen  xasiloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...