Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidamada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Qaar kamid ah salaadiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ayaa wada dadaallo qurba joogta Soomaaliyeed loogu wacyigelinayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkoodi Hooyo,iyadoo la fulinayo baaqyada madaxda dowladda Soomaaliya ee ah in qurba joogtu ay muujiyaan dowrkoodi horumarineed ee Dalka.

Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Qurbaha kunool ayaa sheegay in qaar kamid ah magaalooyinka wadamada Yurub oo ay Soomaalidu kunool yihiin ay kulamo kala duwan kula qaateen Soomaalida, isagOoo ujeedka ku tilmaamay mid looga wacyigelinayo kaalintoodi ku aadan dib u dhiska dalka iyo taakulaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool qaarada Yurub sida wadanka Swedan oo ay kunool yihiin Soomaalida ugu badan,sidoo kale Ingiriiska Norway iyo meelo kale,waxay ay naga balanqaadeen in dalkoodi ay ku soo laabanayaan oo ay dhismihiisa ka qeyb qaadanayaan,sidoo kale waxaan ku boorinay in ciidamada Qaranka la taageero dhaqaale ay iska soo ururiyaan,runtii aad ayaay u soo dhaweeyeen dhamaantooda,hadad waxaan joognaa Dalka Austria”.Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu Suldaanka uu intaasi ku daray in ay si gaar ah ula hadleen aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan ka haaya wadamada Yurub, isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen qorshahaasi wacyigelinta ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkoodi hooyo,  walow ay kal hore hirgeliyeen  barnaamijyo ganacsi oo shaqo abuur ah, taasi oo kutimid markii hay’adaha amaaanka dowladda Soomaaliya ay xoojiyeen  xasiloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...