Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo maanta shir saxaafadeed ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in la bilaabay buuxinta kuraasta ka banaan golaha shacabka oo gaaraya sadex kursi.

Deegaan doorashada kuraastan ayaa kala ah Baydhabo iyo Dhuusmareeb, waxaana baneeyay; Xuseen Cismaan oo noqday Agaasimaha hey’adda nabad sugidda, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Allah u naxariistee Khaliif Abdulaahi ( Khaliif Duurey) oo geeriyooday.

Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa faratay odayaasha dhaqanka ee ku jira 135-tii ee kuraastan banaan ay khuseyso in ay ergada soo gudbiyaan muddo todobaad ah oo maanta ka bilaabanaysa.

Musharaxiinta doonaya buuxinta kuraasta bannaan ayaa lagu wargeliyay in ay araajidooda soo gudbiyaan laga bilaabo 25-ka bishan  August.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa war bixisay shir dhowaan magaalada Nairobi ku qabteen guddigooda oo looga hadlayay arrimaha hirgelinta doorashada qof iyo cod ah oo la qorsheynayo in wadanka ka qabsoonta 2020-ka.

Shirkaas oo ay qeyb ka ahaayeen daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka dalka oo ay kamid yihiin axsaabta siyaasadda, wakiilo dowlad goboleedyada ka socday iyo beesha caalamka, iyadoona sheegtay in shirka laga soo saaray dardargelinta u diyaar garowga doorashooyinka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...