Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo maanta shir saxaafadeed ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in la bilaabay buuxinta kuraasta ka banaan golaha shacabka oo gaaraya sadex kursi.

Deegaan doorashada kuraastan ayaa kala ah Baydhabo iyo Dhuusmareeb, waxaana baneeyay; Xuseen Cismaan oo noqday Agaasimaha hey’adda nabad sugidda, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Allah u naxariistee Khaliif Abdulaahi ( Khaliif Duurey) oo geeriyooday.

Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa faratay odayaasha dhaqanka ee ku jira 135-tii ee kuraastan banaan ay khuseyso in ay ergada soo gudbiyaan muddo todobaad ah oo maanta ka bilaabanaysa.

Musharaxiinta doonaya buuxinta kuraasta bannaan ayaa lagu wargeliyay in ay araajidooda soo gudbiyaan laga bilaabo 25-ka bishan  August.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa war bixisay shir dhowaan magaalada Nairobi ku qabteen guddigooda oo looga hadlayay arrimaha hirgelinta doorashada qof iyo cod ah oo la qorsheynayo in wadanka ka qabsoonta 2020-ka.

Shirkaas oo ay qeyb ka ahaayeen daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka dalka oo ay kamid yihiin axsaabta siyaasadda, wakiilo dowlad goboleedyada ka socday iyo beesha caalamka, iyadoona sheegtay in shirka laga soo saaray dardargelinta u diyaar garowga doorashooyinka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed...

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...