Duqa Muqdisho oo bogaadiyay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu kula dardaarmay qoreyaasha Soomaaliyeed in ay qalinkooda ku taageeraan horumarka dalka, kuna waajahaan cadowga shacabka Soomaaliyeed ee argagixsada Alshabaab, iyagoona jiilasha maanta iyo kuwa berriba xasuus reeb uga sameynaya dhibaatooyinka iyo hagar-daamada argagixisadu ay ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...