R/wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee SMP3

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee barnaamijka kormeerka shaqaalaha (Staff Monitored Program SMP3), oo looga hadlay wixii ka qabsoomay barnaamijka dayn cafinta iyo daba galka waxyaabaha aan wali qabsoomin.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay shirka ayaa sheegay in diiradda lagu saaray qorshayaal la taaban karo oo cad-cad oo loo qaadayo hannaanka dib u qaabaynta maaliyadda si loogu guulaysto qorshaha dayn cafinta.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta nasoo booqday. Nidaamka geedi socodka dayn cafinta oo aad ugu wayn ajandaha Ra’iisul Wasaaraha annagana nagu wayn ayaan ka wada hadalnay. Halka aan taagannahay, halka aan ka nimid iyo meesha aan u soconno, waxa uu na siiyay talo iyo tusaalo, waxaa jira shuruuda badan oo nalaku xiray si aan ugu guulaysan karno barnaaminka cafinta daynta”, ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa aad ugu mehed celiyay wasiirka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, habaka wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta barnaamijyada Soomaaliya looga cafinayo daymaha, Sidoo kalen waxa uu tilmamaay in aan dib u dhis lagu samayn karin dalka hadii aan la hagaajin dhaqaalihiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...