Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Beeraleyda Ku Dhiirri Geliyay Kordhinta Tacabka Beeraha

Date:

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad looga hadlayay iskaashiga dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa sheegay in qorshaha lagu kordhinayo tacabka beeraha iyo wax soo saarka uu dardar gelinayo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in hadii iskaashi xoog leh laga sameeyo kordhinta dalagga beeraha Soomaaliya, Beeraleydu ay ku dhiiraneyso tacabka, dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh uu bilaabanayo, Dhaqaaluhu kobcayo, shaqa abuurkuna badanayo.

Munaasabadda uu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka beeraha iyo Waraabka XFS, Siciid Xuseen Ciid, wasiir ku-xigeenka, wasiirka qorshaynta, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, mas’uuliyiinta hey’adda cunnada aduunka (WFP) ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iskaashatada beeraha iyo ganacsato ayaa ka dhacday Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho halkaas oo lagu keydiyay Galey laga iibiyay beeraleyda Soomaaliyeed oo gaareysa 2,500 metric ton.

Hey’adda Cunnada aduunyada (WFP) oo qayb ka ah qorshaha iskaashiga kordhinta iyo soo nooleynta wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda dalka kadib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto wadamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in dalkeenna ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...