AMISOM oo ciidamo kala baxaysa Soomaaliya

Date:

Muqdisho Arbaca August 1da 2018 (SNTV):- 160 xubnood oo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya Todobaadkan sii dhammaanaya,ka dib markii ay dhammaysteen waajibaadkooda howlgalka Soomaaliya.

Askartan ayaa dhammaantood kasoo jeedda Dalka Yugaandha oo qayb ka ah nabad ilaalinta AMISOM, kuwaasoo Soomaaliya u joogay howlo isugu jira tababar iyo tayaynta hoggaanka Saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Yugaandha ayaa ah Dowladdii ugu horreeysay ee ka jawaabtay baahiyaha tababarrada Booliska Soomaaliya Sanaddii 2012-kii, ayadoo wixii xilligaa ka dambeeyay Gacan ka geysanaysay taageerada iyo dhiirri gelinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...