Tababar ku saabsan adeegsiga Korontada oo ka furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa Maanta tababar Afar Cisho socon doona ugu furtay Magaalada Muqdisho, xubno ka kala socda Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo matalayaal ka socda shirkadaha Korontada ee gaarka loo leeyahay.

Tababarkan ayaa lagu baran doonaa Laba qeybood oo muhiim u ah adeegga koronto ee Dalka, saameynta laga dhaxlay shirkadaha ku shaqeeya Matoorrada iyo sida looga faa’iideysan karo Cadceedda ama adeegyada Soollarka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwaahid Ibraahim Axmed ayaa u sheegay ka qeyb galayaasha in sida loogu talo galay ay uga faa’iideystaan tababarkan oo ay bixinayaan khuburo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo daah furay tababarka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhameystiran, isagoo la dar-daarmay dhinacyada ka qeyb galaya tababarka.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal la diyaariyay oo si aqooni ku dheehan tahay uga shaqeeya adeegyada koronto ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...