Filim qaadihii Daacish oo maxkamad la soo taagay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadiiย  uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013ย  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano bood-boodka ee degmada afHoโ€™e ee gobalka shabeelaha Hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ย ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamacย  Xuseen Xasan ย jiritaanka dambiyada ay sooย  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha ย weydiisteen inย  loo ogolaado Maxkamadda ย in ย ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa ย eedeysanah,ย  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee ย degmada afgoโ€™e ย ka soo qabtay eedeysanaha,ย  muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah ย oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda ย baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli ย oo ka tirsan ciidamadaย  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballadaย  bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qlabka sida ย ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh ย oo ah muuqaallo ย laga dhex heley Kaamiroย  lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ย Kabtan ย ย ย Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsadayย  Maxkamadda maadamaa eedeysanaha ย muddo uu ku qanacsanaa dadinta dhigga in la mid ah inta uu geystayย  ay ku fuliso Maxkamddda.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare ย Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay eey u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayaan isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

 

Guddoomiyaha ย Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qlaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, ย waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in goโ€™aanka ay dib ka soo saari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...