Wariyihii caanka ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday magaalada London, iyo wasaarada warfaafinta somalia oo ka tacsiyadeysay.

Date:

 

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi wax badan kasoo shaqeyey warbaahinta Somalida,

Marxuumka ayaa muddooyinkaan ku xanuunsanaa Magaalada London ee dalka Britian halkaasoo ugu dambeyn xalay uu kugeeriyooday

Yoonis Cali Nuur waxa uu kasoo shaqeyey bari samaadkii radio muqdisho codka jamhuuriyada Somalia. Iyo Wakaalada wararka Qaranka ee SONN, waxana uu waayadan ka shaqeynayey idaacada BBc da laanteeda Afka somaliga.

Siciid Cali Muuse oo kamid ah rugcadaaga saxaafada ee Somalia  wax bandanna  ay islasoo shaqeyeen marxuumka oo uwaramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa shakhsi dabeecad leh, Af gaaban oo shaqadiisana ka adag.

“Muddo saddex sano ayaan wax wada baranaynay, Iskuulada Hoose ee Gebileey iyo Cadaadley ayuu iskuul ka dhigtay,  markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu tegay Xamar oo uu ku ku biiray Xalane, halkaas ayaa laga qaatay oo uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda SONNA iyo Radio Muqdisho, waxaana uu qori jiray Wararka iyo Faalooyinka” ayuu yiri Saciid Cali Muuse.

“Runtii Yoonis wuxuu ahaa nin aad u dabeecad iyo Akhlaaq wanaagsan, Shaqadiisana kuwanaagsan oo ka adag  waxaad ka garaneysaa faalloyinka uu qori jiray ” Ayuu yiri

Yoonis waxa uu ahaa shaqada soo bilaabay 1983 di ayuu shaqada ka bilaabay idaacadda BBcda laanteeda Afka Soomaaliga, halkaasoo uu sidoo kale  kasoo ahaa Tababare saxaafadeed.

Allaha unaxariistee waxa uu ka tagay laba xaas iyo kudhaawad sideed carruur ah oo ay ukala dhaleen xaaskaas   oo ukala deganaa London iyo hargeysa.

Geeridiisa waxaa kanaxay dad badan oo somaliyed kuwaasoo Tacsi U diray Qoyskiisa, Eheladii iyo asaxaabtii uu ka tagay,

Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Somalia oo ugu horeeyo wasiirka warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaana kamid ah dadka Tacsida udiray marxuumka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...