Wariyihii caanka ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday magaalada London, iyo wasaarada warfaafinta somalia oo ka tacsiyadeysay.

Date:

 

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi wax badan kasoo shaqeyey warbaahinta Somalida,

Marxuumka ayaa muddooyinkaan ku xanuunsanaa Magaalada London ee dalka Britian halkaasoo ugu dambeyn xalay uu kugeeriyooday

Yoonis Cali Nuur waxa uu kasoo shaqeyey bari samaadkii radio muqdisho codka jamhuuriyada Somalia. Iyo Wakaalada wararka Qaranka ee SONN, waxana uu waayadan ka shaqeynayey idaacada BBc da laanteeda Afka somaliga.

Siciid Cali Muuse oo kamid ah rugcadaaga saxaafada ee Somalia  wax bandanna  ay islasoo shaqeyeen marxuumka oo uwaramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa shakhsi dabeecad leh, Af gaaban oo shaqadiisana ka adag.

“Muddo saddex sano ayaan wax wada baranaynay, Iskuulada Hoose ee Gebileey iyo Cadaadley ayuu iskuul ka dhigtay,  markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu tegay Xamar oo uu ku ku biiray Xalane, halkaas ayaa laga qaatay oo uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda SONNA iyo Radio Muqdisho, waxaana uu qori jiray Wararka iyo Faalooyinka” ayuu yiri Saciid Cali Muuse.

“Runtii Yoonis wuxuu ahaa nin aad u dabeecad iyo Akhlaaq wanaagsan, Shaqadiisana kuwanaagsan oo ka adag  waxaad ka garaneysaa faalloyinka uu qori jiray ” Ayuu yiri

Yoonis waxa uu ahaa shaqada soo bilaabay 1983 di ayuu shaqada ka bilaabay idaacadda BBcda laanteeda Afka Soomaaliga, halkaasoo uu sidoo kale  kasoo ahaa Tababare saxaafadeed.

Allaha unaxariistee waxa uu ka tagay laba xaas iyo kudhaawad sideed carruur ah oo ay ukala dhaleen xaaskaas   oo ukala deganaa London iyo hargeysa.

Geeridiisa waxaa kanaxay dad badan oo somaliyed kuwaasoo Tacsi U diray Qoyskiisa, Eheladii iyo asaxaabtii uu ka tagay,

Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Somalia oo ugu horeeyo wasiirka warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaana kamid ah dadka Tacsida udiray marxuumka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...