Sweden iyo Soomaaliya oo wada hadlay

Date:

Muqdisho (SNTV)-ย Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo ayaa intiiย  uu socdayย  ย kullanka beesha caalamka iyo Soomaaliya eeย  ka socda waddanka Belgium magaalad xarunta u ah ee Brussels maalintii labaad waxa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Swedan margot wallstrom.

Kulanka madaxweynaha iyo haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibadda Sweadan ayaa arrimaha diiradda ay ku saareen waxaa ka mid ah dhismada dowladnimada, amniga iyo hiigsiga horumarada amni ee Soomaaliya ay hiigsaneyso, waxaa intaasi dheer oo ay isla soo hadal qaadeen labada masuul arrimaha haweenka ee dhammaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hab nololeedka bulshada.

Brussels waxaa ka socdo shir ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada, waxaana dhamman dhinacyadaasi hormuud u ah Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Brussels ayaa la filayo in maanta la soo gaba-gabeeyo, arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo waxaa ka mid ah Maal-gashiga, ganacsiga, dhaqaalaha dowliga ah iyo horumarka dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...