Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka saddex billaha ee isku xirka howlaha Xafiisyada Hay’adda ee Laamaha Gobollada,safaaradaha iyo xarunta dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday Hay’addaha kale ee Dowladda sida Taliska Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir, Mareeyaha Garoonka Adan Cadde, Ururada Bulshada iyo Dhalinyarada.

Muhiimada shirka ayaa ahaa isku xirka howlaha ka socda xafiisyada Hay’adda iyo sidoo kale hagaajinta wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka amniga ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku ammaanay shaqada wanaagsan oo ay bulshada u hayaan, islamarkaana kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan, sido kale waxa uu sheegay wasiirka in dhawaan Golaha Wasiirada la horgeyn doono Sharciga Socdaalka Dalka oo ay hadda ku howlan tahay diyaarintiisa Hay’adda Socdaalka.

Shirka ayaa warbixino looga dhageystay wixii u qabsoonmay saddaxdii bilood ee la soo dhaafay agaasimayaasha waaxyaha Hay’adda iyo Agaasimayaasha laamaha ay hay’addu ku leedahay Dowlad Gobolleedyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...