Ku simaha Madaxweynaha Dalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ay Ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha bulshada.

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka K/gaalbeed Mudane Cabduqaadir Shariif sheekhuna Maye oo warbaahinta la hadlay ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kusoo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u mahad celiyay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta Baydhabo gaaray.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u furi doona Kalfadhiga 5-aad ee Golaha wakiilada dowlad goboleedka koonfur gaalbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...