Date:

 

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada caasimadda kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...